Baroortii Isimadii SSC ee Garoowe Joogay & Hadalkii MD Gaas & Hartinimadii Dhamaatay + Dhulkii oo SNM Qaadatay

Dabayaaqadii Todobaadkii hore ayaa waxaa magaalada Garoowe isaga soo baxay Xubnihii kaga jiray Dadka ka soo jeeday deegaanada SSC Maamulka Puntland
Xubnahana oo isugu jira Isimo , Wasiiro , Xildhibaano Siyaasiyiin iyo ganacsato iwm
Xubnahan ayaa waxay ka cadhaysnaayen dhaqamada Maamulka Gaas ee uu ku hayey 10 sano ee u danbeeyey gaar ahaan  labadii bilood ee u danbeeyey ka dib markii uu kula dhaqamay dadka deegaanadasi Siyaasada  ‘Qawda maqashii waxna ha u qaban’ 

Mudo hadda laga Joogo Todobaatan maalmood wax ka badan oo ahayd magaalada Tukaraq meeshii u danbaysay ee ay la wareegaan Somaliland , isla markaana ay si fudud ugala wareegeen Maamulka Puntaland

Waxaana wixii ka danbeeyey maalmihii la qabsaday uu muujiyey Maamulka Puntland waxoogaa dhaq dhaaq ,  taas oo ay u muuqdeen in ay qaadayaan dagaal ay ku soo celinayaan magaalada Laascaanood oo ah magaalo madaxda Sool .

Xubnahan ayaa ka quustay intii aanay ka soo bixin magaalada Garoowe Madaxwaynaha Puntland C.Wali Gaas, Waxaana ay  soo degeen degaanka Faldhiyaale , waloow maalin ay soo gaadheen magaalada Boocame ee gobolka Sool , halkaa oo ay ku kulmeen waxgaradka deegaankaasi .

Kulamadii u danbeeyey ee Xubnahan ay kaga quus gooyeen Maamulka Gaas ayaa waxaa ka mid ahaa markii u danbeysay  ay horfadhiisteen Madaxwayne Gaas , si ay uga afqaadaan go’aankiisii u danbeeyey ee soo celinta Laascaanood iyo deegaanadeeda , Madaxwayne  Gaas waxaa uu si cad ugu sheegay in aanay wax dagaal ah ku qaadi karin hadda Somaliland , Waxaana uu ku sababeeyey in Beesha Caalamka ay u diiday wax dagaal ah in la qaado . Isla markaana xilligani aanu gelin karin khasaare dagaal .

Madaxwayne ku xigeenka Puntland oo isagu ka soo jeeda deegaanada SSC isla markaana  golahaasi fadhiyey ayaa si cad ugu sheegay in isaga uu u ogolaado si
saxiixa dagaalkan uu qalinka ku duugo isla markaana isagu qaado masuuliyada dagaalkaa lagu xoraynayo SSC.

Madaxwayne Gaas tallaabadaasi waxaa uu kaga jawaabay waan ka soo tashanaa , Lakaiin  waxaa ay go’aansadeen Xubnahani in ay isaga baxaan geb ahaanba magaalada Garoowe

Waxaa dhamaantood ay ka soo huleelay magaalada Garoowe , iyaga oo sheegay in ay daaleen oo dadkoodana aanay ku eegan karin sidaa , Waxaana Xubnahan oo sida la sheegay uu hogaaminayo Axmed Karaash oo ah  Wasiirka Duulistada Hawada iyo Garoomada PL ayaa waxaa ka daba yimid Xubno Isimo iyo Siyaasiyiin u badan  kuwaa oo isku dayaya in ay soo celiyaan , Waxaana ay ka codsadeen  in ay ku cadaadiyaan in madaxwaynaha Maamulka Puntland uu sidan wax ka bedelo oo dadka deegaanadaasi si daacadnimo ah  wax loogu qabto .

Sidoo kale , Waxaa loo kala dab qaadayaa Siyaasiyiintan iyo Xubnahani iyo Madaxda Maamulka Puntland ,  Wararka qaar ayaa sheegay in Dawlada Federalka Soomaaliya ay si dhaba ugu ogolaatay dadka dega deegaanadaasi in loo  sameeyo Maamul , isla markaana loo sameeyo qorshe iyo hanaan ay ku suura gelinayaan sidii ay hawshaa  u meel marin lahaayeen maadaam dhulka Soomaaaliyeed oo dhami ay dawlada Federaalka ay ku bixso dhaqaale Joogto  oo dadka deegaanada Soomaaaliyeed ay ugu dhiibto waxoo kharashaad ah si dadkaa loo gaadhisyo  marka laga reebo dadka deegaanada SSC oo iyagu u dhaxeeya laba dhardhaarood oo aanay  waxbka ka soo gaadhin .

Dhinaca kale Waxaa saacadihii u danbeeyey ay ahayd deegaanka Fallidhiyaale meel mashquul badan oo ay iusugu yimaadeen haldoorka gobollad SSC ee ku jiray PL iyo Xubno waan waan  ka ah PL .

Madaxwaynaha Mamulka Puntland oo markii la dooraneyey hal ku dheggii uu ku galay doorashada ayaa ahayd Waxaan dib u soo celin doonaa SSC , iyo Laascaanood Faataxo laguma qabsan .

Ugu danbayn , Arintan ayaa noqon doonta mid wax ka bedesha siyaasada SSC, Iyadoo sanadkii 11 uu gacanta ku hayo maamulka  Somaliland , iyadoo gobolka ay mudadaa ka maqnaayeen Siyaaasyiin badan iyo Isimo waliba Ganacsato kuwaa diidanaa  Maamulka Somaliland .

Deegaanka FALLIDHIYAALE ee duleedka magaalada Garoowe waxaa todobaadkan ka jirtay arin ay soo dhaweyeen  dadka ku dhaqan gobobllada SSC. Akhriste aragtidaada ka dhiibo Maxay kula tahay Tallaabadani iyo Waxa aad ku talinayso .

 

Wariye  Mowliid Ismail Diged
LASCANOOD SOOL 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

scroll to top