Ciidamada Danab Oo Si Buuxda Ula Wareegay Gacan ku heynta Deegaanaka Gamboole Oo ka tirsan G/shabeelaha dhexe

Sida ay ku waramayaan wararka aan ka helayno gobolka shabeelaha dhexe ciidamada dowlada ayaa la wareegay gacan ku heynta deegaanka Gamboole oo qiyaastii 50KM dhanka Galbeed ka xiga magaalada Jowhar,halkaasi oo ay sanadihii ugu danbeeyey ka ariminayeen kooxda al shabaab.

Ciidamadda Danab ayaa gudaha u galay deegaanka kadib markii ay isaga baxeyn saakay aroortii Dagaalyaanadda Al-shaabab oo mudooyinkii dambe deegaankaas ku sugnaa.

Dadka deegaanka ayaa inoo sheegay in aanay jirin wax dagaal ah oo ka dhacay deegaanka.

Deegaanka Gamboole ayaa waxaa Saldhig ku lahaa Al-shabaab, iyagoo sidoo kale kulan kula qaadan jirey Ganacsadata Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Dhanka kale warar soo baxaya ayaa sheegaya in deegaanka maanta ay ku balansanaayeen ganacsatada Magaaladda Jowhar iyo hogaanka Al-shabaab.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

scroll to top