Madaxda Somalia oo lagu eedeeyay iney wali aamisan yihiin in loo dhaariyay Hargeysa & Ber bera{Dhagayso]

Wasiir Wasaaradda Warfaafinta Maamulka Soomaaliland Cabdiraxmaan Cabdullahi Faarax (Guri Barwaaqo) oo aad uga careysnaa hadalkii Ra’iisul Wasaare Kheyre ee ahaa in ay sharcidarro tahay heshiiskii dekada Berbera ayaa hadalkaas sheegay isaga oo u jawaabayay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in Madaxda Dowladda Soomaliya e waqtigaan iyo kuwii hore ay aad uga kala duwan yihiin,isla markana madaxda hadda dalka ay aaminsan yihiin in ay yihiin kuwo loo dhaariyay Hargeysa iyo Berbera ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Waxa uu sheegay in hadalkii ka soo baxay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre uu ahaa mid la’iska yiri,isla markaana haregysa iyo Berbera dadkii loo doortay ay joogaan.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo ayaa u digay Dowladaha iyo shirkadaha shisheeye ku xadgubaya Qaranimada iyo madax banaanida Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

scroll to top