Mas’uuliyiinta Hirshabelle oo sheegay inaysan waxba ka qaban karin amniga deegaanada maamulkaasi.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Hirshabelle Sheekh Cismaan Barre Maxamed ayaa walaac ka muujiyay xaaladda Amni darro ee ka jirto Deegaanada iyo Degmooyinka Maamulkaasi.

Waxaana uu hoosta ka xariiqay in maamulka Hirshabelle uusan wax awood ah u heynin xallinta Dhibaatada Amni ee deegaanada maamulka ka jirto isagoona madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya cod dheer baaq ugu diray.

“Wadada isku xirto Muqdisho iyo Jowhar xilligii Xukuumadda Hirshabelle la dhisayay waxaa maray Xubno ka tirsan golaha wasiirada Xukuumadda Soomaaliya lkn waqtigaan rajo lagama qabo in la maro” ayuu jiri sheekh Cismaan Barre Maxamed.

Sidoo kale gudoomiyaha ayaa sheegay in deegaanada Hirshabelle Al-Shabaab ka buuxsameyn islamarkaana Hirshabelle aysan awood u heynin xoreynta Deegaanadeeda xaaladuna Waqtigaan ay tahay mid dowladda Federaalka sugeyso oo hirshabelle ay gacan ka taagtay .

Hadalka sheekh Cismaan Barre Maxamed gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle waxaa uu imaanaya Xilli maalinba maalinta ka dambeysa ay ii kordhayaan weerarada Alshabaab ay ka geystaan deegaanada Maamulkaas

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

scroll to top