Muuse oo Ku Wajahan Imaaraakda + Saldhiga Milatraga oo uu Saxeexi doono & Imaaraadka oo Keeni doona ciidamo calooshood u shaqaystaal ah

Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta galinka danbe ugu anba baxaya dalka Imaaraadka, waxaana waararku sheegayaan in dowladda Imaaraadka ay bilowday dagaalka xoogan oo ka qaadayso DF ee Soomaliya. Waxaa maanta loo soo dirayaa diyaar qaas oo oo ka imaanaysa Abu-dabay caasimada waddankaas. diyaaradan ayaa si toos ugu imaanaysa madaarka Hargaysa.

madaxwaynaha ayaa raacaaya diyaarad khaas ah oo ay dawlada Imaaraadku u Soo dirtay diyaaradaasi oo ah nooca casriga ah.

Socdaalkani uu Muuse Biixi ku tagaayo magaalada Abudabay ilaa hada kamay hadal maamulkii, has ahaatee warar ay warbaahinta, ka helayslo dad ku dhow dhow xaga Imaaraadka ayaa sheegaaya in socdaalkani uu Soo afjaraayo sexeexa heshiiska Saldhiga magaalada Berbera ay ka samaysanayaan dalka Imaaraadku. Waxuuna ka hor dagayaa in dowladda Soomaliya aysan Qaramada Midoobay san gayn qaraarkaas ka soo baxaya dowladda Soomaliya.

Dhanka kalena waxa ay madaxtooyadu amar culus saartay wakaalada duulista iyo hawada Somaliland in ay 24 saacadood gudahood kaga guuran madaarka Berbera oo a dhamaan agabka ka yaala ka qaataan xagaasi. maadaama ay maraakiib dagaal ku soo wajajan yihiin dalka Soomaliya siiba Berbera oo ah meesha ay doonayso inay xoog ku gasho imaaraadka, iyaga oo doonay inay Somaliland u aqoosato dalka madaxbanaan

Dhanka kale waxaa so toos maanta xidhiidh la sameeyay dowladda Itoobiya wasiirka arimaha dibada dalka Soomaliya isaga oo kala hadlay arimaha berbera, waxayna si toos ah dowladda Soomaliya loo sheegay in arinkani uu yahay Ganacsi oo uusan ahayn mid siyaasadaysan, sidaasna loo sheegay wasiirka ama ah qaato ama uusan qaadan. waxayna Itoobiya ka hortimid qaranimada Soomaliya iyo in dowladda soomaliya aysan ka talin guud ahaa gobolada waqooyi.

Dhanka kalana waxa jira socdaalkani uu madaxwaynaha Somaliya uu ugu anba baxaayo dalka Qatar, socdaalkaasi oo isaga laftiisu dareen xoogan uu ka dhex abuuri karo xiisadaha ka kala dhex oogan dalka Imaaraadka Iyo Qatar, waana mid xiisahiisa leh, waxana labadan socdaalkani ay dabka KU sii qaban doonaan xiisadaha siyaasadeed ee ka kala dhex oogan Imaataadka iyo Qatar Iyo sidoo kale maamulka Somaliland iyo dowladda Somaliya.

Dowladda Soomaliya ma leh ciidamo cirka iyo mid dhulka, waxayna tani ay ka mid tahay dagaalka lagula jiro Soomaliya oo la doonayo in dalalka dariska la ah lagu daro. waxaa saaran cunaqabayn dhinaca hubka oo QM ay ka ansixiyaan dowladda shiyeeye ee doonaya inay Soomaliya ku wareejinayaan Itoobiya iyo Kenya

WIDHWIDH ONLINE NEWS DESK

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

scroll to top