Cabdiweli Gaas oo War Cad kasoo saaray Xiriirka Puntland iyo Imaaradaka Carabta (Dhagayso)

Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa beeniyay inuu xumaaday xiriirka Imaaraadka Carabt iyo maamulka Puntland.

HALKAN KA DHAGAYSO

Isagoo mantasShir ku qabtay Xeradda Ciidamada Badda Puntland ee ku taalla duleedka Magaalada Boosaaso oo ay ka howlgalaan ciidamada Imaaradka ayuu faahfaahin ka bixiyey wararka sheegaya in dowladda Imaaraadka Carabta ay saraakiishii tababaryaasha ciidmada kala baxday degaanda Puntland.

Gaas ayaa sheegay in Puntland iyo dowladda Imaaraadka Carabta uu ka dhaxeeyo xiriir wanaagsan oo ku aadan horumarinta Puntland iyo iskaashiga milateri, isla markaana aysna waxba ka jirin in Garoonka Boosaaso ay ka baxeen tababarayeyaal u dhashay dowladda Imaaraadka Carabta.

Madaxweynaha Puntland ayaa caddeeyay in Puntland ay sii wadi doonto wada shaqeynta dowladda Imaaraadka Carabta. Isagoo warar been abuur ah ku tilmamay in Saraakiil Imaaraad ah oo lagu dhibaateeyay Garoonka Boosaaso.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

scroll to top