Khayre oo amray xilka in laga qaado Gudoomiyihii aan shaqadiisa gudan

Ra’iisul Wasaaraha Somaliya Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in loo baahan yahay masuuliyiinta Maamulada Degmooyinka inay gutaan waajibaadka Qaran ee saaran.

Isaga oo ka hadlaayay kulan ammaanka ku saabsan oo ka dhacay Magaalada Muqdisho, ayaa Gudoomiyeyaasha Degmooyinka wuxuu sheegay qofkii gudan waayo waajibaadka qaran ee saaran in xilka laga qaadaayo.

Ra’iisul Wasaaraha wuxuu tilmaamay Saraakiisha ciidamada in laga doonaayo askarigii qaban waayo shaqada qaranka in laga ruqseeyo shaqada, si la mid ah sidaasina Gudoomiye Degmo oo shaqadiisa qabsan waayo in shaqada laga ruqsaynaayo.

“Runtii maalin dhaweyd Madaxweynaha waad la kulanteyn, wuxuuna idiin sheegay in uusan ku qanacsaneyn amni darada magaalada, waxaa idinku soo celinayaa farriinta Madaxweynaha idin soo gaarsiiyay, laga bilaabo maanta amniga magaalada waa in aad sida ugu dhaqsiyaha badan wax uga qabataan, cidii shaqadeeda qabsan weyda waa in shaqada laga ceyriyaa.”Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

scroll to top