Nin qalin ku weeraray rakaab diyaaradeed

Inta badan waa dhif iyo naadir inaad maqasho diyaarad qalin lagu weeraray balse dhacdadaasi ayaa argagax gelisay rakaab saarna diyaarad dalka Shiinaha.

Saraakiisha dalka Shiinaha ayaa waxay soo saareen faafahinta ah nin la sheegay in uu rakaab saarna diyaarad ku weeraray qalin islamaarkaasna diyaaradda ay ku khasabtay inay si deg deg ah ku degto.

Booliska waxay ninka magaciisa ku sheegeen Mr Xu oo 41 sano jir ah oo xannuun dhanka maskaxda qabay.

Diyaaraddan uu duulimaadkeedu ahaa CA 1350 ayaa waxay ku wajahnayd magaalada Beijing balse waxay si deg deg ah ay ugu degtay garooon diyaaradeed oo ku yaallo gobolka Henan.

Balse dhacdadani wax dhibaato ah kama soo gaarin rakaabka dayuuradda.

Sawirro laisla dhex maraayay baraha bulshada dalka Shiinaha ayaa muujinaya nin qalin ku weerarayo mid kamid ah rakaabka diyaaradda oo ugu hanjabaayo inuu cunaha ka gelinaayo.

Saraakiisha ammaanka waxay sheegeen inay qabteen oo ay baarayaan.

Waxayna sheegeen inuu kasoo jeedo gobolka Hunan’s An Hua balse ma aysan sheegeen inay sii daayeen iyo in kale.

Hao Junbo oo ah qareen fadhiggiisu yahay magaalada Beijing ayaa u sheegay warbaahinta Beijing Morning Post in ninka aan loo qaban Karin sidii qof dambiil ah waa haddii ay ku caddaato inuu yahay qof madaxa ka xannuunsan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

scroll to top