Sargaal katirsanaa Ciidanka booliiska Soomaaliya oo galabta lagu dilay Muqdisho

Kooxo biskoolado ku hubeesan ayaa galabta Degmada Yaqshiid ee gobolka Banaadir waxa ay ku dileen sargaal la sheegay in uu katirsanaa ciidanka booliiska Soomaaliya.

Dilka sargaalkan oo magaciisa lagu sheegay Xasan Dheere ayaa ka dhacay meel ku dhaw saldhiga booliiska degmada Yaqshiid, waxaana kooxihii dilka geestay si deg deg ah uga baxsadeen halka uu dilku ka dhacay.

Ciidamo katirsan booliiska Soomaaliya iyo Nabad sugida ayaa gaaray halka uu dilku ka dhacay, baaritaano ay sameeyeen ciidamada amaanka ayaana la sheegay in aysan kasoo bixin wax natiijo ah.

Magaalada Muqdisho waxaa mararka qaar ka dhaca dilal qorsheesan oo loo geesto ciidamada iyo shaqaalaha dowlada, waxaana inta badan baxsada dadka dilalka qorsheesan fuliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

scroll to top