Afduub Ka Socda Tukaraq iyo Caynaba iyo Wadada oo Xiran.

Maxaa Kasoo cusboonaaday Isku Socodka Gaadiidka ee Puntland Iyo Somaliland ? Xili Xiisad dagaal ay ka dhaxayso Labada dhinac.

Dadka u kala safra Puntland iyo Somaliland ayaa cabsi dhanka socdaalka ah soo food saartay ka dib markii xalay Caynaba lagu afduubay 2wiil reer Puntland ah Taasi oo keentay in manta barqadii Aaga tukaraq lagu afduubay wiil reer Soomaliland ah oo Garowe ku socday si ay baasabooro uga qaataan dhacdada dambe ee manta waxaa ii xaqiijiyey qaar ka mid ah dadkii ay soo wada safreen wiilasha la afduubay.

Ilaa hanta lama oga sababta dhabtaa ka dambaysa afduubkii xalay kaasi oo sababay afduubka dambe walina falalkaasi kama hadlin Puntland iyo Somaliland .

War hada soo dhacay ayaa sheegay in lasii daayey Wiilashii Aaga Tukaraq lagu afduubay , sida ay ii soo sheegeen dadkii la socday.

Maxamed Siciid Yuusuf.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

scroll to top