Labo Qof oo Saaka Lagu Dhaawacay Gudaha Magaalada Lascanod & Askartii oo Qoriyihii Laga Qaatay + Xiisada Lascanod

Xaalada guud ee magaalada lascanood ayaa faraha ka sii baxaysa kadib markii saaka la dhaawacay labo dumar oo suuqlay ah, waxayna tani keentay in dhalinyaro ay qoryaha soo qaateen oo askarigii ay ku caydhsanadaan kadibna uu qoriga ka cararo oo ay qaateen qorigii meeshiina ay ka baxsadeen isagii oo dhaawac ah.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Maleeshiyaadka Somaliland ayaa markii danbe isa soo abaabulay iyaga oo soo qaatay gadhawadhiga gaashaman ee Baroonka ah iyo ciidamo xoogan, waxayna meesha ka baadhayeen ragii qoriga furtay.

Shacabka ku dhaqan magaalada ayaa aad ugu xumaaday falka uu askarigaas gaystay saaka gudaha magaalada lascanood oo la baqayo inuu dagaal ka qarxo banaanka lascanood, waxay tani soo dadajinaysaa in gudaha magaalada ka dhacaaan dagaal faraha laga gubto.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

scroll to top