Madaxweyne Trump oo hal shardi ku xiray in Kim John Un ku casuumo Aqalka cad

Waxaa lagu wadaa in dalka Sangapore 12-ka bishan June kulan lawada sugayo ku yeeshaan Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump iyo Hogaamiyaha Mayalka ee Waqooyiga Kuuriya Kim John Un.

Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ee Kim John Un uu ku casuumayo aqalka cad ee Mareykanka haddii kulanka dalka Singapore uu noqdo mid miro dhal ah oo la isku fahmo.

Kulanka labada Hogaamiye yeelanayaan ayaa caalamka si weyn looga wada sugayaa, waxaana shaki la galinayaa in labada Hogaamiye kulankooda lagu gaaro heshiis labada dalba dan u ah.

Dalka Singapore waxaa hada kusii qul qulaya Wariyaal badan oo doonaya in ay soo tabiyaan kulanka labada Hogaamiye, waxaana la diiwaan galiyay 300-Wariyaal ah oo kulanka soo tabinaya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

scroll to top