Al-Shabaab oo soo bandhigay Magaca & Beesha mid ka mid ah raggii fuliyay Weerarkii Otto Otto(Dhagayso)

Al-Shabaab ayaa soo bandhigay mid ka mid ah raggii fuliyay weerarkii lagu qaday xarunta Otto Otto oo fariisin u ahayd Wasaaradda Amniga iyo Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya.

HALKAN KA DHAGAYSO

Cali ibraahim Macalim Aadan waa mid ka mid ah raggii fuliyay weerarkaasi oo ay Al-Shabaab ku tilmaameen inuu ahaa Halyeey Geesi a,Wuxuu ahaa 31 jir ah oo ka dhashay beesha Hadame ee degta Gobollada Baay iyo Baay.

Wareysi gaar ah oo uu siiyey Idaacadda Afka Al-Shabaab ku hadasha ee Andalus, ka hor inta uusan u dhaqaaqin howlgalka ayuu Cali Ibraahim Macalim sheegay in howlgalkiisu uu yahay mid lagu ajiibayo baaqa Allaah ee ah lagu dagaalamo jidkiisa, lana beegsado gaalada meel waliba oo lagu helo,sida lagu yiri warka lagu qoray baraha Internetka Al-Shabaab.

Shaqsiga fuliyay Weerarkii ismiidaaminta ahaa ee lagu qaaday xarunta Wasaaradaha Arrimaha gudaha iyo Aminga ayaa ku magac dheeraa Cali Dheere,kaasi oo baaq muhiim ah u jeediyey Mujaahidiinta bariga Africa iyo Amiirkooda Sheykh Abuu Cubeyda, wuxuuna ugu baaqay la sii laba jibaaro dagaalka ka dhanka ah wuxuu ugu yeeray murtadiinta iyo saliibiyiinta ku soo duushay wadanka.

“Waa in gaalada dagaalka lagu laba jibaaro, haddii ay gaaladu ay dareemaan kala go’ ku yimaada dagaalka waxay dareemayaan kibir sidaas darteed maadama ay joogaan rag markasta diyaar u ah nafhurka waxaa la doonayaa in ragga la diyaariyo oo aysan gaaladu nasan” ayuu yiri.

7-dii bishan July ayay ahayd markii Al-Shabaab weerar iyo Qaraxyo ku qaadeen xarunta Otto Otto,halkaasi oo dad badan ay ku dhinteen kuwo kale oo ku dhaawacmeen.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

scroll to top