Askari ka tirsan Dowladda oo Sabab la Yaab leh dadka Shacab ah ugu rasaasadeeyay Baladweyne

Wararka naga soo gaarayo magaalada Baladweyne ayaa sheegaya in Askari ka tirsan Dowladda uu rasaas ku furay dad shacab ah

Goobjooge la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in askari katirsan ciidanka maamulka Baladweyne uu rasaas huwiyay nin watay gaari dameer oo ku socdaalayay gudaha magaaladaasi.

Ninka watay gaari dameerka ayaa la sheegay inuu marayay meel aan sida kaga fogeyn buundada caanka ka ah Magaalada Baladweyne ee lagu magacaabo liiq liiqato, sido kale lama oga ruuxa la toogtay sababa ka danbeeyay toogashadiisa oo hada lagu waramayo inuu soo gaaray dhaawac culus.

Laamaha caafimaadka Magaalada Baladweyne wey ka gaabsadeen iney ka war bixiyaan halka ay ku danbeyso xaalada ruuxa askariga uu ku dhaawacay aaga buundad liiq liiqato.

Maamulka Magaalada Baladweyne ayaa sido kale ka hadal dhacdadan loo geystay ruuxa shacabka ah ee lagu dhaawacay gudaha magaaladaasi.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

scroll to top