Guddoomiyaha Golaha Shacabka Oo Soo Saaray Qoraal Lagu Fasaxay Xildhibaanada

Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay inuu xiray kal-fadhigii 3aad ee Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Gudoomiye Mursal ayaa sheegay in kal-fadhiga 4aad ee Xildhibaanada Baarlamaanka uu furmayo Bisha September ee socota,iyadoo qoraal lagu ogeysiiyay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.

Qoraalka loo diray Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa sidoo kale waxaa la ogeysiiyay Golaha Wasiirada,Gudoomiyaha Aqalka Sare iyo Madaxweynaha Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

scroll to top