Madaxweyne Trump oo Safiir cusub usoo Magacaabay Somalia, Waa Shaqsi Ceynkee ah?

Donald Trump Madaxweynaha dalka Maraykanka ayaa waxaa safiirka cusub ee soomaaliya u soo magacaabay Ambassador Donald Yukio Yamamoto.

Safiirkan ayaa waxaa la sheegay in shaqada Diplomaasiyada uu ku soo biiray sannadkii 1980-kii ,isagoona hada Masuul ka ahaa Waaxda Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka,islamarkaana waxaa uu ugu qaabilsan Qaaradda Afrika.

Sannadihii 2000 ilaa 2003-dii.ayaa waxaa uu danjirihii mareykanka ufadhiyay dalka jabuuti,isagoona ka mid noqonaya Safiirada ay dowlada mareykanka u soo magaacowda Soomaaliya.

Taariikhdiisa oo aad u dheeraad safiirka ayaa waxaa la sheegayaa in Danjire KMG ah uu ka soo noqday dalka Eritrea sannadihii 1997-dii ilaa 1998-dii,isla sanadihii u dhexeeyay 2006-dii ilaa 2007-dii,waxaa uu soo noqday danjiraha u fadhiya dalka Itoobiya .

Safiirkan u cusub ay dowlada mareykanka soo magacowday ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa,kadib markii dhawaan Danjirihii hore ee Maraykanka u fadhiyay Soomaaliya, Stephen Schwartz iska casilay Xilkaasi bishii September 29-dii ee sannadkii hore.

Dowlada Mareynka ayaa waxaa ay ka mid tahay dowlada inta badan Soomaaliya ka caawiya dagaal adag ee lagula jiro dagaalamayaasha Al-Shabaab,iyadoona badanaa tababaro siiso ciidamada xoogga,sidoo kale waxaa ay door weyn ka qaadataa duqeymaha joogtada ah ay diyaaraha mareykanka ka fuliyaan koofurta iyo bartamaha Soomaaliya oo Al-Shabaab qeybo ka mid ah ay ku xoogan yihiin,inkastoo mudooyinkii ugu dambeeyay ay awoodooda hoos u dhacday.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

scroll to top