Wararkii Ugu Danbeeyay Ceelafweyn iyo Shirqool Ka Dhacay

Waxaa maanta ka dhacay Deegaanka Dararweyne Ee Degmada Ceel afweyn Shirqool loo dhigay mid kamid ah Beelaha Ku dagaalamaayay deegaankaasi.

Deegaanka Dararweyne Hore waxaa Gacanta Ugu hayay Ciidanka Beesha sacad yoonis Kuwaaso Maanta ay u yimaaden Ergo Uu Hogaminaayo Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland iyo Xubno kale faro badan Oo kamid ah culimada Hargeisa kuwaaso ka codsaday Beesha sacad yoonis inay ka Saarto Ciidankeeda Deegaanka Dararweyne.

Beesha sacad yoonis ayaa aqbashay Dhawaaqa Ergada waxaana ay ka saren Guud ahaan Deegaanka Dararweyne Ciidankooda balse waxaa dhacay arrin shirqool ah.

Ka Bixitaanka Ciidanka sacad yoonis Ee Dararweyne waxaa Badelay in islamarkiiba magaalad qabsadan ciidankii habar jeclo kuwaaso xabad kala daalay ergadii iyo dadkii magaalada.

Xaalada Deegaanka ayaa hada kacsan waxaana Beesha sacad yoonis u aragtay shir qool qorshaha nabadeenta loo eekaysiiyay ee laga soo abaabulay Hargeisa

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

scroll to top