War Aan Lagu Farxin Oo Naga Soo Gaaray Degmada Beled-weyne{Dhagayso}

Xiisad Colaadeed ayaa ka jirta Magaalada B/weyne Xilli Madaxdii Gobolkaasi ay badankood ka maqan yihiin Magaalada.

Beelo Ood wadaag ah ayaana is haya,kuwaasi oo hadalo xanaf leh kasoo kala yeerayeen Saacadihii udambeeyey.

HALKAN KA DHAGAYSO

Bariga iyo Galbeedka Magaalada ayaana ay kala deggan yihiin Beelaha,kuwaasi oo waxgaradkii kala dhex geli lahaa ay ka cabsi qabaan hadii ay isku gudbaan in la beegsado.

Afduub ayaa la sameeyey Dadka qaar ayaa la kala heystaa iyo Xoolo sida la xaqiijinayo labada dhinac.

Mid ka mid ah Dadka Ku dhaqan B/weyne ayaa ka waramaya Xaalada Cakiran ee lasoo sheegayo iyo xiisada taagan.

Mas’uuliyiintii Gobolka Hiiraan ayaa looga yeeray Jowhar Saacado ka hor taasi oo sii kicin karta in Dagaal uu dhex maro maleeshiyaadka Beelaha Is haya oo isku hub uruursanayey.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

scroll to top