Wararkii Ugu Dambeeyay ee Toogasho goordhow ka dhacday dalka Canada (Dhimasho & …(Video)

Ku dhawaad afar qof oo labo kamid ah ay boolis yihiin ayaa lagu dilay weerar ka dhacay bariga dalka Canada.

Halkan Ka Daawo

Ciidamada booliska ayaa bogooda twiterka soo dhigay in gacanta lagu dhigay qof looga shakisan yahay weerarkaas.

Booliska ayaa weerarkan ku tilmaamay mid fool xun, waxaana uu dadka shacabka ah uga digay ineysan kazoo bixin guryahooda si ay nabad ugu joogaan.

Ciidamo badan iyo gaadiidka gurmadka deg deg ah ayaa ku sugan halka weerarku uu ka dhacay sida laga arki karo muuqaal uu baraha bulshada soo geliyay wariye goobjoog ahaa

Weerarada noocaan oo kala ah ayaa horey uga dhacay dalka Canada, waxaana ka mid ahaa kii 2014-kii ka dhacay magaalada New Brunswick, oo ah caasimada gobolka Fredericton, weerarkaasna waxaa ku dhintay sedex boolis ah,

Bishii lasoo dhaafay nin hubeysan ayaa wadada baska laga raaco ku dilay labo qof kuna dhaawacay ku dhawaad 20 kale kahor inta uusan isaga isdilin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

scroll to top