Dawladda Sucuudiga Oo Gantaallada Difaaca Ka Iibsatay Israel

Kulan qarsoodiya oo Mareykanku ku dhexdhexaadiyey Sucuudiga iyo Isreal waxa dawladda Sucuudigu Isreal ka iibsatay gantaallo culus oo ah nooca difaaca.

Israel ayaa markii hore diidday in gantaallada difaaca ay ka iibiso Sucuudiga, waxaana ay wallaac ka muujisay in Sucuudiga uu u adeegsado tallaabo ka dhan ah amaanka Israel ama waddamada xulafada la ah ee ku yaalla gobolka.

Wargeyska Al-Khaleej Online ee ka soo baxa Imaaraadka ayaa daabacay in Mareykanka uu dhex dhexaadiyay heshiiskan oo ay ku kaceyso tobanaan Milyan oo dollarka Mareykanka ah.

Gantaallada ugu horreeya ayaa lagu xidhayaa sohdinta uu Sucuudiga la wadaago dalka Yemen halkaas oo xuutiyiinta ay duqeyn gantaallo ah si joogto ah ugu weeraraan.

Gantaalladan cusub ayaa lagu magacaabaa Iron Dome, waxana ay awood u leeyihiin in ay ka hortagaan gantaallada lagu weeraro dalalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

scroll to top