Micheal Keating muxuu Soomaalida ka yiri “Carab ma aha, Afrikaanna ma aha, waa dad muran badan, haddana…” (Wareysi)

Ka hor inta aanu dhamaystirin xilkiisa oo ah madaxa ugu sareeya Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Michael Keating ayaa xoogaa waqti ku bixiyay inuu dib u eego sannadihii u adeegayay iyo aragtida mustaqbalka uu ka qabo dalka ku yaalla Geeska Afrika.

Mudane Keating ayaa loo magacaabay Ergeyga Gaarka ah ee Xoghaya Guud u qaabilsan Soomaaliya iyo Madaxa Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) laguna dhawaaqay biishii Nofeembar 2015. Magacaabiddiisa waxay ka dambeysay khibrad ballaaran uu u lahaa taageeridda kala-guurka siyaasadda iyo nabadaynta, iyo sidoo kale hogaaminta barnaamijyo adag ee dhanka bani’aadamnimada iyo dib u soo kabashada ee Afghanistan, Bariga Dhexe iyo Afrika.

S. In la noqdo Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud (SRSG) ma aha arrin fudud iska tamashle ah, gaar ahaan jawiga adag sida Soomaaliya. Maxaa kugu soo jiitay shaqadan?

J. Waxay ila tahay inay ahayd fursad aan ku shaqeyn karo waddan lana shaqeeyo dad aan xiriir dheer la lahaa sababtoo ah waqti ayaan ku qaatay Soomaaliya anigoo carruur ah ka dibna dib baan ugu soo noqday xilligii ugu darnaa dagaalkii sokeeye, si kooban, 1992. In la isiiyo fursad uga qaybqaato dib u soo laabashada Soomaaliya waxay ahayd arrin aan la diidi karin – qayb ahaana sababtoo ah waxay ahayd fursad aan u adeegsan karo qaar ka mid ah waayo-aragnimada iyo xirfadaha aan ka helay shaqadayda, dhinaca gargaarka bani’aadanimo iyo xuquuqda aadanaha iyo horumarinta intaba, laakiin sidoo kale siyaasadda – waa arrin mudnaan weyn leh inaan noqdo Ergeyga Gaarka ah ee Xoghaya Guud (SRSG). Markii la iweydiiyay haddii aan xiiseyn lahaa inaan codsado shaqada, waan ku soo booday. Runtii aad baana ugu faraxsanahay inaan sidaas sameeyay.

S. Markaa ka dib, badanaa waxaa la yiraahdaa in aragtida guud ee Soomaaliya ay si aad ah uga duwan tahay xaqiiqada Soomaaliya?

J. Sawirka dal laga haysto waxaa qaabeeya waxa ay muwaadiniinta dalkaas sheegaan, iyo sida ay warbaahinta caalamku u sawirto dalka. Soomaaliya waxay leedahay qurba-joog aad u weyn oo ku kala nool dunida dacalladeeda, gaar ahaan Yurub iyo Waqooyiga Ameerika, iyo sidoo kale Bariga Dhexe iyo Kenya. Qaar badan oo qurbo-joog ahi waxay dalka ka tageen 90-maadkii, oo ahayd waqtigii ugu xumaa ee dagaalkii sokeeye, oo waxay leeyihiin xusuus aad u badan oo khibradaas. Warka wanaagsan ayaa ah in qaar ka mid ah ay soo laabanayaan, laakiin intooda badani wali dibadda ayay ku nool yihiin – badanaa waxay shaki ka qabaan caqabadaha dalka oo ku salaysan rabshadihii iyo fowdadii ay soo mareen.

Warbaahinta caalamka, sababo muuqda awgood, dhab ahaantii tiro badan kama joogto Soomaaliya. Waxay u muuqdaan inysan awoodin inay halkan yimaadaan, sababtoo ah kharashka iyo caymiska, haddii aysan jirin sheeko weyn oo sheekooyinka waaweyni waxay u muuqdaan inay la xiriiraan gaajada iyo abaaraha ama rabshadaha iyo qaraxyada –Taasoo macnaheedu tahay in haddii wax xun dhacaan dad badan ayaa yimaada, tebiya warbixinada, ka dibna meesha isaga oo aan la arkin, ka dibna haddii aad Soomaaliya ka raadiso google-ka, inta badan warbixinada waxay ku saabsan yihiin waxyaabo gurracan.

Laakiin, run ahaantii, haddaad halkan ku nooshahay – anigu waxaan ku jiraa xarun balse in badan baan socdaa – waxaad arkeysaa xaqiiqo taas ka duwan. Xitaa saddexdii sanno ee aan halkan joogay, waxaa jiray isbedel wanaagsan marka la eego heerka muuqaalka guud, iskaba daa marka la eego heerarka initaa ka qotada dheer. Muqdisho waa mid aad u firfircoon. Waxaa jira dad aad u badan oo jidadka mara. Waxaa jira waxyaabo badan oo socda fiidkii. Waxaa jira dhismooyin badan oo gacanta lagu hayo. Weli way aad bay u burbursantahay marka la barbar dhigo sida ay ahayd 1970-dii iyo 1980-dii markii ay jirtay magaalo qurux badan oo badweyanta saaran – weli ku ma aanan soo laaban marxaladaa, laakiin way isbedashay, sidoo kale meelaha sida Baydhabo ama Kismaayo ama Garoowe.

Anigu ma lihi Soomaaliya weli ma wajayso dhibaatooyin waaweyn oon leh dad badan oo sabool ah iyo kuwo nugul. Laakiin waxaa jira waxyaabo fiican oo socda, aad bayna u adag tahay in la soo tebiyo sheekooyinkaas. Mid ka mid ah kuwa sida aragtideyda ah ay ila tahay inuu yahay mid aad u muhiim ah waa sida aysan abaar u dhicin sannadkii 2017kii, oo in la soo tebiyo wax aan dhicin aad bay uga adagtahay in la soo tebiyo wixii dhacay, laakiin taasi waa sheeko aad u weyn oo guul ah. Sidoo kale, inkastoo ay weli jiraan dhacdooyinkan aadka u waaweyn ee rabshadaha ah – tii ugu xumaydna ay ahayd 14-kii Oktoobar, 2017 – dhab ahaan, marka siyaabo badan lagu qiimeeyo, nabadgelyada dad badan ayaa si tartiib tartiib ah u hagaajinaya, taasina sidoo kale waxaa lagu helay ra’yi ururin dadweyne iyo doodaha kooxaha.

S. Intaad xilka haysay ee halka ka shaqeynaysay, maxay ahayd dhacdadii ugu weynayd dhinka siyaasadda?

J. Nabad xil ku wareejintii awoodda madaxweynaha ee bishii Febraayo 2017. Taasi waxay ka dambeysay hanaan doorashooyin baarlamaan, waxay ahayd arrin buuq badnayd – oo adkayd, aan ceeb la’aan ahayn, oo lahayd dhibaatooyin badan oo badan oo la xidhiidha, laakiin waxay keentay natiijo ay xalaal ahaan u arkeen una guddoomeen beesha caalamka iyo ku dhawaad dhammaan Soomaalida. Dabcan, Al-Shabaab ma aysan soo dhoweyn, laakiin qof kastoo kale wuu soo dhoweeyay.

Waxay ahayd arrin sababtay dabbaaldeg weyn. Sida uu Madaxweyne Kenyatta (ee Kenya) yiri, markuu u yimid xafladdi caleema saarka Madaxweyne Farmaajo, Afrika inteeda kale waxay ka masayrtay sida nabadgelyada ah kala-guurka iyo xilwareejinta ka dhacday Soomaaliya, sababtoo ah dalal badan oo kale waxay leeyihiin habab doorasho oo aad u khatar ah.

Dabcan, waxay ahayd mid aad u kooban, qayb ahaan xaaladda amniga awgeed, iyo kaabayaasha doorashada sida diiwaangelinta codbixiyayaasha iyo waxbarashada codbixiyayaasha, sharciga doorashooyinka iyo sharciga xisbiyada siyaasadeed oo aan jirin. Sidaas awgeed, inkasta oo geeddi-socodka doorashadu uu wanaagsanaa, caqabada jirta waa sidii loo diyaarin lahaa hanaanka doorashooyinka sannadka 2020-2021. Taasi waa inay dhacdaa hadda, hawsha aan la dhammeynin waa meelmarita sharciga doorashada, abaabulidda dhaqaalaha laga helo ilaha Soomaaliyeed iyo ilaha beesha caalamiga si loo dhiso aaladda doorashada iyadoo loo marayo Guddiga Madaxa-banaan ee Doorashooyinka Qaranka, iyo weliba iyadoo diiradda la saarayo waxbarashada cod-bixiyeyaasha iyo in la gaaro heshiis siyaasadeed oo aasaas u ah sida murashaxiinta loo dooran doono, yaa codeyn doona, halka ay ka codeynayaan, dhammaan arrimaha noocaas ah.

S. Ka waran dhacdada/horumarka ugu weyn ee dhinka gargaarka bani’aadamnimada?

J. Ka hortagidda macluusha sannadkii 2017. Waxay ila tahay in isbedelka wareejinta awoodda madaxweynanimada oo si nabad ah lagu wareejiyay uu gacan ka gaystay guushaas. Waxa ugu horreeyay ee uu madaxweynuhu sameeyay markii la doortey waxay ahayd inuu yiri ‘Waxaan doonayaa olole qaran oo arrintan lagula tacaalo,’ kaasoo laga qaybgeliyay qurba-joogta iyo ganacsatada, iyo sidoo kale beesha caalamka.

Ururrada samafalka bani’aadamnimada ayaa si aad ah ugu diyaarsanaa si ka fiican sidii ay ahaayeen sannadihii 2011-2012 markii rubuc milyan dad ah ay dhinteen. Waxay haysteen fursad aad u qoto dheer ay dadka ku gaaraan; dadka sannadihii 2011-2012 waxay mararka qaar ahayd inay u guuraan boqolaal kiilomitir si ay u helaan amni ayna u helaan gargaar – xaaladdu sidaasi ma ahayn sannadkii 2017. Waxaa si fiican oo caqligal ah loo adeegsaday ganacsiga gaarka ah taas oo gacan ka gaysatay hoos u dhigista qiimaha. Waxaa jirey nidaam kaararka faylasha oo ka-faa’iideysteyaashu ku iibsan karaan waxyaabaha ay u baahan yihiin – cunto iyo biyo – oo laga helo dukaamada oo dhan oo ku yaalla waddanka oo dhan kuwaasoo isku diiwaangeliyay inay isticmaalaan barnaamijka. Taasi waxay ahayd guul. Haddana, hawlgalayaasha beesha caalamiga waxay bixiyeen lacag, lacag dhab ah, oo goor hore ayay bixiyeen. Mid ka mid ah dhacadooyinkii sannadihii 2011-2012 waxay ahayd in lacagtu timaado iyadoo soo daahday; taasi uma aysan ogolaanin dadka ka shaqeeya gargaarka bani’aadamnimada iyo xukuumadda inay ka jawaabaan.

Tani macnaheedu ma aha in la yiraahdo inayna jirin malaayiin dad ah oo wali ku nool xaalado quus ah. Abaartii sannadkii 2017 waxaa ka dhashay dad badan oo barakacayaal ah [dadka gudaha ku barakacay]. Waxaan u maleyneynaa in tirada guud ee dadka gudaha ku barakacay ay tahay 2.6-2.7 milyan oo qof, laga yaabo inay gaarayso boqolkiiba 20 tirada dadweynaha, oo kuwo badan oo gaaraya 60-70 boqolkiiba oo ka mid ah kuwan ay ka soo jeedaan kuwii sanadkii hore. Markaa waxa aad ku arkeyso dhammaan hareeraha Soomaaliya waa magaalooyin sameysmaya oo ah dad ay duruufu ku qasabtay inay ka soo guuraan goobaha beeraha iyo inta badana miyiga xoolo dhaqatada oo u soo guuray magaalooyinka.

Tanina waxay ka hadlaysaa caqabadda hortaagan sida Soomaaliya ay u yareyn karto sida ay ugu nugushahay isbeddelka cimilada, dhibaatada deegaanka, colaadaha iyo gacan-bidixaynta nidaamsan ee kooxaha, beelaha ama dadka laga tirada badan yahay. Taasi waa qorshe weyn. Waa mid adag sababtoo ah waxaa jira lacag loogu talagalay gargaarka bani’aadamnimada, oo lacagta loogu talagaly horumarinta waxay u egtahay in loo qoondeeyo kaabayaasha iyo mashaariicda waaweyn, arrintana waxay ku dhacdaa dhexda-halkaas oo ay caawinta barakacayaasha ku haboon tahay iyo sidee baad u heli kartaa fikrad ah in barakacayaasha loo arko inay fursad u yihiin magaaleynta, si loo bedelo asaaska dhaqaalaha dalka, si ay dowladdu ula shaqeyso mulkiilayaasha dhulka si ay ugu dhiirigeliso maalgashiga, waxaan wajahnaa dad badan oo dhulka laga saaro iyo muran badan, iyo dadka dalka gudihiisa ku barakacay oo horay u soo maray marxalad adag oo ayaa haddana mar kale isku arka iyagoo ku dhexjira dhibaatooyin noocyo kala duwan ah.

S. Horumarka ugu weyn ee Soomaaliya ee xagga horumarinta?

J. Waxaa jira waxyaabo dhacay labadii sanno ee ugu dambeeyay oo aan u malaynayo in xukuumaddan amaan badan ku muteysatay, taas oo asal ahaan ah aragtida ah in haddii Soomaaliya ay billaabin inay ururiso dhaqaalaheeda, waxay ahaanaysaa mid ku tiirsan gargaarka beesha caalamka.

Waxay saxiixday Barnaamijka Kormeerka Maareynta Shaqaalaha ee Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF), oo ah barnaamij dib-u-habeyn dhaqaale iyo mid maaliyad ahaan, halkaas oo Baanka Adduunku uu ahaa mid aad u taageera, Qaramada Midoobayna waxay noqotey mid dhiirrigelisa xag siyaasadeed. Raisal Wasaaraha ayaa arrintan u qaatay si dhab ah, markaa waxa aan aragnay 18kii bilood ee la soo dhaafay waa korodhka dakhliga gudaha ee ka yimid canshuur-bixinta. Waa horumar dhab ee awoodda dawladda si ay u maareeyaan lacagta iyo qoondeeyo lacag. Tusaale ahaan, waxaad leedahay waxyaabo sida mushaharka askarta oo lagu bixiyo, waa in aay si biometric ah uu diiwaan gashan oo ay leeyihiin xisaabaha bangiga, oo aad haysataa nidaamka dib-u-eegista adeegga bulshada iyo sida dadka loo bixiyo mushaarka.

Sidaas darteed waxaa jira guud ahaan xoojinta dhabta ah ee awoodda xukuumadeed ee lagu maareeyo khayraadka. Taasi waxay sidoo kale u baahan tahay in la gaarsiiyo Dowlad Goboleedyda Federaalka. Laakiin rajadu maaha keliya dakhliga gudaha oo kordhaya – oo sida qof kasta ama qoys walba, had iyo jeer wanaagsan markaad haysato lacagtaada halkii aad ka heli lahayd dadka kale – laakiin waxay kor u qaadaysaa rajada iska bixinta haraaga deynta iyo deyn cafinta, laga yaabee sanad, laba sano, laakiin maaha mustaqbalka fog. Waa rajo dhab ah haddii dib-u-habeyntaas ay sii socon karto. Taasi waxay iftiin weyn oo cagaaran u noqon doontaa beesha caalamka, maalgashadayaasha gaarka ah iyo sidoo kale Baanka Adduunka, IMF iyo dhammaan deeq-bixiyeyaasha ugu waawayn ee maal-gashada Soomaaliya.

S. Amnigu waa arrin kale oo aad ugu muhimsan Soomaaliya – sidee baa taasi horumar looga gaaray?

J. Waxaa jira xoogaa horumar ah oo la gaarey, iyadoo guusha ugu weyn ay tahay heshiis siyaasadeed oo Soomaalida dhexmaray kuna saabbsan sida uu noqon doono qaabdhismeedka amniga dalka. Muddo 30 sanno ah ma jirin heshiis dhab ah oo ku saabsan arrintan, laakiin sannadkii 2017, waxay gaadheen heshiis, waxaana lagu saxiixay Shirkii London ayadoo ay beesha caalamku goobjoog ka ahayd. Dabcan caqabadda jirta waa fulintiisa.

Heshiisku wuxuu ku saabsan yahay ciidanka, booliska, hay’adaha sirdoonka, ciidamada badda – laakiin arrinta uu ku wanaagsan yahay ayaa ah in la aqoonsado in amnigu uusan ahayn oo keliya hub iyo qalab iyo tababar. Balse uu yahay dhismaha hay’adaha amniga, sidoo kalena wax laga qabto arrimaha keena amni-darrada marka horeba. Arrimahan waxaa ka mid ah caddaalad darrada, boolis la’aanta, maamulka dowladaha hoose ee aasaasiga ah oo aan jirin, iyo wixii la mid ah. Waxaa sidoo kale heshiiska ka mid ah dhinacyo taabanaya dhaqan celin bulsho oo xooggan iyo maamulka deegaanka – waxa ay dadka qaar ugu yeeraan xasilinta.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

scroll to top