Siyaasi Faarax Macallin Oo Hargeysa Soo Gaadhay

Siyaasiga Faarax Macalin oo mar soo noqday afhayeenka Baarlamaanka Kenya dalka Kenya ayaa soo gaadhay magaalada Hargeysa,

Faarax Macalin oo ka yimid dhinaca magaalada Jig jiga ee caasimadda maamulka soomaalida Itoobiya oo uu maalmihii ugu danbeeyey ku sugnaa ayaa la filayaa in uu la kulmo madaxda ugu sareysa Somaliland.

Sidoo kale Farax Macalin ayaa waxaa uu maanta uu kulan gaar ah xafiiskiisa kula yeelan doona Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi sida ay wararku sheegayaan.

Dhinaca kale siyaasigan ayaa la filaya in uu isla maantauu ka dhoofo garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

scroll to top