Banaan Baxyadii Ugu Xooganaa oo Saaka Galkacyo Ka Dhacaya iyo Boqolaal Qof…

Wararkii ugu dambeeyey ee aanu saaka ka helayno magaalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in halkaasi saaka laga qorshaynayo banaan baxyo xoogan oo ay ka qaybgelayaan qaybaha kala duwan ee bulshada kunool magaaladaasi.

Dibad baxyadaan oo ah kuwa nabadeed ayaa bulshada kunool magaalada Galkacyo ku dalbanayaan in caddaaladda la horkeeno dadka ka dambeeya falalka ammaan xumo gaar ahaan kuwa magaalada ku dila Hal-doorka bulshada iyo Dhalinyarada.

Waxaa wararku intaasi ku darayaan in banaan baxayaashu ay dalbanayaan in caddaaladda la soo taago ciddii ka dambaysay dilkii habeen hore magaalada loogu geystey nin dhalinyaro ah oo lagu magacaabi jirey Xaamud Wardheere.

Laamaha ammaanka gobolka Mudug iyo ciidamada isku dhafka ah ee Puntland iyo Galmudug ayaa ku howlan xaqiijinta ammaanka magaalada Galkacyo, waxaase mararka qaar dhaca dilal iyo falal ammaan xumo oo ay baxsadaan kuwa ka dambeeya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

scroll to top