BIGNEWS: Rooboow Oo Ka Guuleystay Dawlada Dhexe & Murashaxnimadiisa Oo Loo Ogolaaday

War goordhaweyd oo duhurnimadaan ah naga soo gaaray Magaalada Baydhabo ayaa waxay sheegayaan in ugu dambeyn Rooboow Abu Mansuur loo fasaxay inuu Murashax noqon karo.

Sida Xogta aan ku helnay waxaa Rooboow Ay Dawlada u ogolaatay inuu tartami karo taas oo Jimcihii ay ka hor istaagtay.

Waxaa la sheegay in La dhameeyey is jiid jiidkii jiray Ee Dawalda Dhexe iyo Rooboow ka dhex jiray xilli kulamo aan loo kala kicin ay saacadihii lasoo dhaafay socdeen.

Abu Mansuur Rooboow ayaa ku qanciyey Dawlada hadii la doorto inuu Shabaab ka xoreenayo Deegaanada K/Galbeed sidaa awgeedna uu ka dalbanayo Leebka ay ku heyso ka qaado.

Taliyaha Hay’ada Nabad Sugida Soomaaliya Xuseen Cusmaan Xuseen ayaa waxa uu kulamadaan uqaabilsanaa Dawlada Dhexe arinta Rooboow balse is faham laga gaaray.

Wasaarada Amniga Soomaaliya ayaa waxa la sheegay inuu buray Mamnuucisteedii Subixii jimcaha laga war helay ay ku hor istaageysay Mukhtaar Rooboow.

Dawlada Soomaaliya si cad uma aysan sheegin in la fasaxay ama weli go’aankeedii sidii yahay Qadiyada inuu Rooboow Abu Mansuur tartan u geli karo Doorashada K/Galbeed Soomaaliya.

Warar kale oo ay Si Hoose uheshay Warqaad ayaa xaqiijinaya in Dawlada Mareykanka ay Fara gelin sameysay ay dib ula laabatay Go’aankeedii sidaana Mukhtaar Murashaxnimadiisa uu kusii watay.

Sabtidii ayuu Munaasabad ka dhacday Baydhabo si ka leex leexad laheyn Uga sheegay Rooboow inuusan aqoonsaneyn Amarkii Dawlada Federaalka uuna ku celiyey inuu Murashax yahay uuna tartami doono.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

scroll to top