DF oo lagu Eedeeyay inay Dagaalkii Al shabaab u Wareejisay Maamul Gobaleedyada

Xildhibaan C/rashiid C/llaahi Maxamed oo hore usoo noqday Wasiirkii Gaashaandhiga Somaliya ayaa ka hadlay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee dowladda wado.

Xildhibaan C/rashiid C/llaahi Maxamed, ayaa sheegay in dowladda ka gaabisay qaadista duulaan saf balaaran leh oo lagu ekeenayo deegaanada Shabaab ka heystaan Gobolada Dalka Somaliya.

” Bilihii u danbeeyay dowladda kuma howlaneyn in lala dagaalamo Al-Shabaab, Waxeyna ku mashquulsaneyn inteeda badan Maamul Goboleedyada, SIyaasada iyo hiigsiga sanada 2020, Taas ayaa ka amrin habaabineysa howlihii asalka u ahaa in dalkaan Xasilooni lagu soo dabaalo” Waxaa sidaa VOA u sheegay Xildhibaanka.

Waxa uu sheegay in mudadii uu fadhiyay Wasaarada Difaaca la isla qaatay inaan lakala joojin Dagaalka Shabaab, lala hadlo inta wadahadalka ogol, wixii ka soo harana rasaas lagu maquuniyo.

Xildhibaan C/rashiid C/llaahi Maxamed, oo ahaa ninkii Muqdihso keenay Sanadii hore Mukhtaar Rooboow Abuu Mansuur, ayaa dhinaca kale ka hadlay dooda dowladda ay gelisay musharaxnimada Rooboow.

Dowladda, ayuu ku dhaliilay iney Rooboow uga baxday balamo ay wada galeen, taasoo qeyb ka eheyd inuu isu sharixi karo doorashada Baydhabo ka dhaceysa 17-ka Bisha danbe ee November.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

scroll to top