Maamulka Galmudug ee degmada Cadaado oo soo saaray amar culus (Akhriso)

Guddoomiyaha cusub ee degmada Cadaado Cabdikariin Maxamed Cilmi ayaa amar culus ku soo rogay siyaasiyiinta ku sugan degmadaas.

Qoraal ka soo baxday Xafiiskiisa ayuu ku amray in wax shirar iyo isu’imaad ah aan lagu qaba karin Magaaladda Cadaado iyadoo aan fasax laga heysan Maamulka.

Magaalada Cadaado ayaa waxay xarun u tahay garab ka mid ah madaxda iskhilaafsan ee Galmudug oo ay hogaamiyaan Madaxweyne ku-xigeenka iyo gudoomiyaha baarlamanka Galmudug

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

scroll to top