Safiirka Maraykanka ee Qaramada Midoobay oo is casishay(Video)

Madaxweyne Donald Trump ayaa aqbalay istiqaaladda danjiraha Maraykanka ee Qaramada Midoobay Nikki Haley.

Waxaanu xafiiskiisa Oval Office ugu sheegay warfidiyeenka in ay xilka wareejin doonto dhamaadka sannadkan, ka dib “shaqo aad loogu bogay” oo ay qabatay.

Halkan ka Daawo Video

Isaga oo ay la fadhido xafiiska haweenaydan ahaan jirtay badhasaabkii hore ee gobolka South Carolina ayuu madaxweynuhu sheegay in ay xil kale ka qaban karto xukuumadiisa oo waxa uu yidhi “xilkaad doonto dooro”.

Haley waxa xilka danjiraha Maraykanka ee Qaramada Midoobay loo ansixiyey bishii Jeeniweri ee 2017-kii.

Trump wuxu sheegay in Haley ay lix bilood ka hor u sheegtay in ay doonayso inay xilka muddo ka nasato.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

scroll to top