Sargaal Katirsanaa Maamulka Puntland Oo Lagu Dhex Toogtay Bartamaha Suuqa Boosaaso

Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Boosaaso Ayaa waxay sheegayaan in halkaasi maanta lagu dilay Magaaladaasi Sargaal katirsanaa Ciidamada Amniga.

Sargaalkani waxa la sheegay in uu katirsanaa ciidamada Amniga Puntland kaas oo lagu dhex dilay Suuqa Boosaaso.

Dableey Hubeysan ayaa waxay toogteen Sargaalka kadibna ay ka baxsadeen goobta.

Wararka waxay sheegayaan in muddo xaaladu aheyd mid kala carar ah islamrkaana markii dambe xaaladu noqotay mid caadi kusoo laabatay.

Ciidamada Dawlad Gobolleedka Puntland ayaa waxay markii dambe bilaabeen howlgal ay ku doonayaan inay kusoo qabtaan Dableyda gacan ku dhiiglayaasha ee dilka geystay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

scroll to top