SAWIRRO: Jubbaland oo sameysay Dhoolatus ka dhan Alshabaab iyo Ciidamo gaar ah oo lasoo Bandhigay

Taliska ciidanka ilaalada Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa soo saaray Dufcadii Afaraad oo si gaara loogu tababaray ka Hortaga Cadwoga, waxaana ciidamadan cusub ay soo bandhigeen Dhoolatus ay ku muujinayaan Tababarkooda.

Maamulka Jubbaland ayaa dadaal ugu jira sare u qaadida Tayadda iyo Aqoonta ciidammada kala duwan, waxaana Cutubkan tababarka loo soo xiray loo tababaray hubka culus iyo ka hortaga cadowga ilaalinta Madaxda iyo Xaaladaha deg dega.

Dhamme Axmed Bashiir Dhaga cade oo kamid ah Tababarayaasha soo saaray ciidankan gaarka ah ayaa sheegay ay wax badan kusoo kordhin doonaan Amniga, lana sii wadi doono Tababarada la siiyo Ciidammada Qalabka sida ee Jubbaland

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

scroll to top