6 Lix Qodob Oo Ka Soo Baxay Shirkii Nabadeenta Qayaad iyo Bahrarsame

Iyadoo 15 kii maalmood ee uu danbeeyey ay ka Wadeen ergo ka kooban 14 Isim oo uu hogaaminayey
Garaad Kulmiye Garaad Maxamed Garaad Dool Garaad Wiil Waal isla markaana uu soo direy madaxwaynaha Dowlad deegaanka Soomaalida iyo Isimo kale oo iyana kala yimid Garoowe , Laascaanood , Buuhoodle iyo Isimo maanta ka yimid gobolka Mudug (Gaalkacyo) sidoo kale meelo kale ayaaWaxay guulaysteen in ay xabad Joojin dhex dhigaan labada Beelood ee Shaydaanku ka dhex shaqeeyey (Dhumey.

Isimadan oo ay weheliyeen Culimo ka kala Socotey Laascaanood iyo Buuhoodle ayaa Waxaa ay howha maamulkeeda gacanta ku hayey Isimada Dowlada Deegaanka Soomaaluda oo uu hogaaminayo Garaad Kulmiye , Waxaana ay kulamo la qaateen guurtida labada labada dhinac , Waxaana ugu danbaynt ay ku heshiiyeen :

1:In Xabad Joojin ah qaataan Shuruud la’aan.
2:In ay Ogolaadaan Nabad in ay qaataan .
3:In ay gogashu noqoto magaalada Jig Jiga .
5:in ay iska soo Xulaan labada dhinac min 21 Xubnood.
6:Kuna Soo diyar garoobaan mudo sadex maalmood.

Sidoo kale , Waxaa ay Isimada nabadaynta ay sheegeen in howshaasi lagu dhamaynayo magaalada Jig Jiga ,si waafaqan Shareecada Islaamka iyo Geeg Hoostii

Waxaana ay u direen Shacabka Soomaaliyeed , Dhamaan Maamulada kala duwan ee Somalia iyo dawlada federaalka
ee Somalia in ay hawshaasi ka qay qaataan .

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

scroll to top