Deg deg: Wasiir ka tirsan Xukuumadda Kheyre oo is casilay{Dhagayso}

Wararka hadda naga soo gaarayo Magaalada Baydhabo ee Xarunta Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegayo inuu is casilay wasiirka Tamarta iyo Biyaha Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Casaiis Xasan Maxamed (laftagareen).

Halkan Ka Dhagayso

Wasiirka is casilay oo u sharaxan xilka Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa shuruud looga dhigay inuu marka hore xilkiisa iska casilo.

Lafta gareen ayaa sheegay in Maanta oo ay taariikhdu tahay 5/11/2018 uu iska casilay xilka wasiirnimo ee uu ka haayay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,isaga u taagan xilka Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

“Aniga oo ticraacaya shuruudihii ay soo saareen guddiga doorashooyinka koonfur Galbeed ee ahaa in qof xihaayo uusan tartami Karin ayaa sidaasi isku casilay,waxan u mahad celinayaa Ra’iisul Wasaare Kheyre oo xilkaan horay iigu dhiibay iyo dadkii aan isla soo Shaqeynay ayuu yiri Laftagareen.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

scroll to top