Qarax goor dhow ka dhacay Muqdisho & faahfaahino ka soo baxaya (Daawo Sawirro)

War goor dhow ku soo dhacay warqabadka Widhwidh Onine ayaa sheegaya in qarax ka dhacay meel aan wax badan ka fogeyn xarunta Madaxtooyada Somalia.

Sida warku sheegayo gaari qarax lagu soo xiray ayaa ku qarxay agagaarka xarunta bankiga IBS oo ku yaalla meel ku dhow halka loo yaqaano beera Nabada.

Warka ayaa intaas ku daraya in gaariga qarxay uu ku dhintay ninkii watay, waxaana ka caay dab aad u xoogan oo khasaare u geystay maqaayad halkaas ku taalla oo la yiraahdo London gate.

Qaac fara badan iyo uuro ayaa cirka isku shareertay kuwaasoo ka dhashay holac ka dhashay dabka qabsaday gaariga qarxay ciidamada amniga.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

scroll to top