Xildhibaan Sheegay in Hanjabaad joogto ah uu kala kulmo Xukuumadda +Dhageyso

Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur, oo kamid ah baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in hanjabaad joogto ah uu la kulmayay saacadihii ugu dambeeyay.

Halkan Ka Dhagayso

Walow uusan cadeyn nooca Hanjabaad ee loo jeediyay, haddana wuxuu sheegay in labadii maalin ee lasoo dhaafay ay soo gaareen ilaa shan fariin oo isaga loogu hanjabayo, sida uu hadalka u dhigay.

Xildhibaanka ayaa arrimaha ugu badan ee loogu hanjabay ku sheegay inay tahay arrinta la xiriirta maaliyadda, isaga oo sheegay in lagu wargeliyay inuu arrimahaasi faraha kala baxo.

Sidoo kale wuxuu sheegay in hanjabaada ay tahay mid fariimo loogu soo dirayay iyo mid toos loo hor imaanayay,”Anigu ma ahi dadka handadaada ka cabsada, laakiin inaha ay quseyso ayaan la wadaagi doonaa”ayuu yiri xildhibaanka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

scroll to top