Dawlada Qatar Oo Ku Dhawaaqday In Ay Ka Baxday Ururka Ay Ku Midooben Dalalka Shidaalka Dhoofiya (DAAWO VIDEO)

Dawladda Qatar ayaa maanta oo isniin ah sheegay iney isaga baxayaan ururka dalalka shidaalka soo saara ee OPEC, maalmo kadib kulan dhex maray shirkadda iyo xulafadeeda.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Shir jaraa’id uu magaaladda Doha ku qabtay wasiirka Tamarta dowladda Qatar Saad Sherida al-Kaabi, ayuu ku sheegay in in go’aankan ay qaadatay dowladiisu uu yahay mid ay ku saxsantahy asagoona intaasi sii raaciyay in Qatar ay xooga saari doonto soo saarida shidaalka dabiiciga ah.

Wasiirka ayaa sheegay in dalkiisa uu ka bixi doonno OPEC January 1, 2019, taasi oo soo afjareysa urur ay xubin ka ahaayeen nus qarni, iyadoo Qatar oo ururkan ku biirtay sanadii 1961’dii, Waxayna noqonaysa wadankii ugu horeeyay ee iskaga baxa kamid ahaanshada ururka OPEC.

Sababta waxaa ay Qatar ku sheegtay si ay u wanaajiso kaalinteeda iyo istaraatiijijad ku saabsan dib u habeyn oo muddo dheer ah, Waxayna Qatar kaalinta Koobaad uga jirtaa wax soo saarka gaaska dabiiciga ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

scroll to top