Maamul Goboleedka Somaliland oo Diyaar u Ah Wadahalka DF & Culays Ugu Yimid Meelo Badan

Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka laabtay go’aan uu horay uga gaaray in uu wadahadal la galo Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Muuse Biixi, ayaa 20kii Bishii la so dhaafay ka sheegay Magaalada Burco in aysan marna la galeyn wax wadahadal ah inta ay Soomaaliya ka aqoonsaneyso Somaliland.

Go’aankaas ayaa isbeddelay shalay kaddib markii Wafdi ka socda Midowga Yurub uu kula kulmay Magalada Hargeysa.

War saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Muuse Biixi, ee Hargeysa ayaa lagu sheegay in Somaliland ay diyaar u tahay wadahadal ay la gasho Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in dowladda Federaalka ah ay ka caga jiideyso wadahadalka ay la galeyso Maamulka Somaliland.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

scroll to top