Talyaaniga oo Al Shabaab wadahadal la galayo iyo Kenya oo awood adeegsaneysa

Dowlada Tallyaaniga ayaa bilowday inay wadahadal la gasho xubno la aamisan yahay inay Al Shabaab yihiin oo Kenya kasoo afduubay haweenay u dhalatay dalkaasi, sida warbaahinta Kenya ay baahisay.

Al Shabaab ayaa 20-Kii Bishii lasoo dhaafay deegaanka Chakama kasoo afduubay haweeney lagu magacaabo Silvia Romano oo udhalatay dalka Talyaaniga, waxaana la rumeysan inay dhanka Soomaaliya lasoo aadeen.

Booliska dalka Kenya ayaa sheegay inay ku raadjoogaan dadka Afduubay haweeneyda, balse dowladda Talyaaniga ayaa dooneysa in wadahadal lagu soo daayo haweeneyda, taasina ay sabab u tahay wadahadal ay la bilowday kooxda Al Shabaab oo afduubta ka dambeysay.

Warar kale oo soo baxaya ayaa sheegaya in kooxaha afduubka geystay ay la aadeen haweeneyda deegaanka Booni ee Keynta ah, waxaana socda baaritaanka lagu badbaadinayo haweeneyda.

Dowladda Talyaaniga ma sheegin halka uu marayo wadahadalka, haddii ay madaxfurasho weydiisteen qolada wax afduubtay iyo in uu guuleystay wadahadalka.

Al-shabaab oo lagu eedeeyay afduubkaas wali kama hadlin, waxaana kaliya ku eedeysay Dowladda Kenya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

scroll to top